Wararka
Aaska Qaran ee Allaha U Naxariistee Wasiir Xoosh oo ka socota Muqdosho.
Aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka socoto magaalada Muqdisho iyadoo goordhow diyaarad sida Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ay ka soo degtay garoonka Caalamiga ee Adan Cadde ee Muqdisho.
Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo hadda salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cabdulle ayaa lagu aasayaa qabuuraha Isbitaalka Madiina dhabarkiisa dambe ku yaalla waxaana hadda garoonka Aden Abdulle ku sugan Guddoomiya Aqalka Sare ,Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale iyo qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed ayaana halkaas jooga.