Wararka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad muhiim ah   ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiim ka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

“Marka u horaysaa waxaan u hambalyaynayaa dhammaan haweenka Adduunka, kuwa Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland, waa farxad runtii aan dareenkeenna idiin ku soo gudbinayno inaan idinkala soo qayb-galo maalinta caalamiga ah, haweenka waa laf-dhabartii bulshada, la’aantood dadka halkan joogaa ma aysan joogeen.”

“Waxaa kaloo muhiim ah Soomaali haddaan nahay maalinta xusitaankeedu Soomaaliya kama dhalan, waa dhibaatooyin haweenka meelkastay joogaanba soo mareen, waana dhaqamo marka laga sheekaynaayo Soomaalidu aysan arag, gabadha Soomaaliyeed marka taariikhda dib loo fiiriyo marna bulshada ay ku dhexjirtey kama aysan hoosayn”

“Dhaqankeenii marka la fiiriyo dabcan door aysan lahayn oo raggu ay leeyihiin waa jirtey, lakiin qudhiisana kaalin wayn bay kulahaayeen reer ka taladiisa iyo kobociisaba, balse markaad fiiriso haweenku waxay soo mareen, qaarbaa la aasijirey, qaarbaa nolosha loo ogolayn, tariikh aad u mugdi ah bay soo mareen oo weliba u badan wadamada reer Galbeedka, Soomaaliya Illahay waa ka koriyey dhaqankooda soo jireenka ah iyo diintooda suuban marka laysku daro ayay taas kaga gudbeen” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland  Deni ayaa shegay  in talaabo sharci ah laga qaadidoono cidwalba oo isku-dayda inay tacaddi u gaystaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, waxaana uu ku booriyey Madaxweynuhu haweenka inay ku dhiiradaan ka qayb noqoshada siyaasadda dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay falkii foosha xumaa ee lagu diley Suldaan Bashiir Muuse Koonte, isagoona ku amray laamaha amaanka in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo ciddii falkaasi geysatey.Image may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 1 person, crowd

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close