Wararka

Tirada Ciiddanka Mareykanka ee Hawlgalka Ka Wada Soomaaliya Ayaa La Shaaciyey Inaan La Dhimi Doonin.

Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa sheegay in Qorshaha lagu dhimaayo Milliteriga Maraykanka aysan ku jirin Ciiddanka Hawlgalladda ka wada dalalka Somalia iyo Liibiya, o oay Maraykanka ka fuliyaan duqeymo Diyaaradeed.

Jeneral Thomas Waldhauser waxa uu hadalkaasi ka sheegay Warbixin uu maalintii Khamiista ahayd siiyey Xildhibaanadda Kongareeska Maraykanka, wuxuuna xusay in 300 Askari laga jari doono Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika marka la gaaro bisha June ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inay 6,000 oo Askar Maraykan ah haatan ku sugan yihiin Qaaradda Afrika, iyadoo in ka badan 4,000 ka mid ah ay joogaan Saldhigga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser waxa Warbixintiisa ku sugay inay 500 Askar Maraykan ah ku sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasi oo uu sheegay inay fuliyaan Hawldalladda Duqeymaha ee ay la beegsadaan fariisimadda Dagaalamayaasha Al-shabaab, waa sida u uhadalka u yiri.

Dhinaca kale, AFRICOM waxay horey u sheegtay inay sannadkan  qaadeen 24 duqeyn oo  ay ku dileeen 236 Dagaalamayaal Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close