Wararka

Safiirka Soomaaliya u jooga Kuwait oo ka war bixiyay xiriirka Labada Dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kuwait, Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa waxaa Waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka Wadanka Kuwait, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah.

Danjire; Odowaa, ayaa sheegay in si diirran loogu soo dhoweeyay Dalka Kuwait, isla markaana ay Dowladda Dalkaasi u muujisay Ixtiraam aad u sarreeya oo ah mid ay u hayso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay dar-dar gelin doonaan howlaha shaqo ee Safaaradda oo ah hagaajinta xiriirka Labada dal, muujinta wenaagga Dalkeenna Soomaaliya iyo u adeegista Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kuwait.

Dhismaha iyo qalabaynta Safaaradda ka dib ayuu sheegay Danjiruhu in ay ka shaqayn doonaan wax ka qabashada adeegyada kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay in uu la yeelan doono kulamo kala duwan si uu u ogaado baahiyaha ay qabaan.

Danjire C/llaahi Maxamed Odawaa, oo ah Safiirkii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u Magacawdo Dalka Kuwait, ayaa sheegay in ay isaga iyo Boqor, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah, isla qateen  inay soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay Labada Dal 30 Sano ka hor, door wada jir ahna ay ka ciyaari doonaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close