Wararka

Amar laga soo saaray Musharaxiinta wajiga xirto inta ay doorashada socota.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray amar ka dhan ah Musharaxiinta xirta wajiga xiliga ay socota doorashadda golaha aqalka hoose.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay bogga facebook ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Horey ayay u dhacday in Musharaxiin u tartamaayay kuraasta golaha aqalka sare ay xirtaan wajiga balse shacabka iyo siyaasiyiinta kala duwan ayaa dood ka keenay aaminaada lagu qabi karo musharax wajiga xirtay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close