Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DALKA FINLAND

Muqdisho, Nofeembar 09, 2021; Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay dalka  Finland u soo magacawday Soomaaliya Pirkka Tapiola.
Danjiraha Dowladda Finland Tapiola ayaa Madaxweynaha dowlada la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa  Finland Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi. Waxa uuna Danjire Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta, Maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.
Ugu dambayn, Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.May be an image of 3 people, people standing, suit and indoorMay be an image of 5 people, people standing and suitMay be an image of 3 people, people standing and suitMay be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 6 people and indoorMay be an image of 1 person and suit
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close