Wararka
Axmed madoobe oo ka hadlay Kiiska Ikran Tahliil iyo qodoba kale.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta khudbad uu kula wadaago xaaladahii u danbeeyay ee dalka u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha Dowlada.
Kulankan waxaa ka qeybgalay xubno katirsan labada gole ee Dowlad goboleedka Jubbaland, odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kala duwan.
Madaxweynahu wuxuu diirada ku saaray khudbadan dhinacyada Siyaasada, amaanka, masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland.