Wararka
Maxaa ka jiro in uu fashilmay waan-waanti Farmaajo iyo Rooble lagu xalinaayay khilaafka dhaxdooda?
Dadaalo waqti badan qaatay oo lagu dhax dhaxaadinaayay Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaaraha dalka ayaa wararka qaar waxaa ay muujinaayan in uu ku soo dhamaaday is mari waa.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiintii kale ay maalmihi la soo dhaafay ka dhex wadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan.” ayuu yiri Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido.
Balse War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Cali Yare una muuqday Jawaab ku qotonta warka wasiiru dowladaha dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ee ah in “dhanka Madaxweynaha aya wax ka socon la’yihiin” ayaa lagu shaaciyay in ay Villa Soomaaliya u diyaarsantahay wadda xaajood kasto oo xal looga gaarayo muranka hareeyay doorashada dalka iyo arrimaha siyaasadda.
“Innaga dhankeenna waxaan garwaaqsannahay in ay masuuliyad Ummadeed na saarantahay, uma damaashaadi karno guulna uma aragno inaan xal la gaarin, waxaannu guul u aragnaa innaga oo heshiinna, wixii tabasho ah la iska daweeyo, danta gaarka ah dib loo dhigto, la horumariyo danta guud, la ixtiraamo Madaxda dhexdhexaadinta oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug, gacmaha la is qabsado muddada hartay ,dabadeedna sida degdeg doorashada loo galo.” ayuu yiri Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Cali Yare.
Siyaasiyiinta Mucaaradda oo ay ugu horeeyaan Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur iyo hoggaamiyaha Xisbiga SAHAN Abdikarim Hussein Guled ayaa si isku mid ah fashilka Wadahadalada dusha ugu tuuray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ayna Ra’isal wasaaraha dalka kula taliyeen in uu horey u sii dhaqaajiyo Dar dar galinta doorashooyinka oo ay ku tilmaameen dhabaha kaliya ee looga bixi karo is qab qabsiga jiro.
Guddiga ku kala dhax jiro Madaxweynaha dalka Iyo Raisal wasaaraha XFS ayaa la filayaa in dhamaadka kulamada ay wadaan ka dib ay warbaahinta u shaacin doonaan natiijada kama danbeysta ah.