Wararka
Madaxweynaha oo la kulmay Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha oo Xulka ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka waxa loogu yeera xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta tahriibka iyo qabyaaladda.
Munaasabadda waxa ka soo qeyb-galay Wasiirrada Wasaaradaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga Xamsa Siciid Xamsa, Qorshaynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.