Wararka
Ra’iisulwasaaraha dalka oo kulan dar daaran ah la qaatay guddiyada doorashooyinka heer federaal.
Ra’iisulwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiyada doorashooyinka heer federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo guddiga Xalinta khilaafaadka.
Gudiyadan uu Raisulwasaaraha XFS kulanka la qaatay waxaa qayb ka ahaa Guddiga hirgalinta Doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sharraxaad ka bixiyay hab sami u socodka doorashada dalka, Waxaana uu guddiyada ku ammaanay sida ay uga go’antahay ka shaqaynta doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda.