Wararka

Maxaa looga hadlay shirka Amniga Galm?

Halkaan ka akhristo wax badan oo looga hadlay shirka Amniga Galmudug

Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir Gudomiyay Shirki Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug.

Shirkan oo ay ka so qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga, ayaa waxaa awood lagu saray sugida Amniga Galmudug iyo Howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda Al shabaab.

“ Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan so socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan  Alshabaab “ ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug  Ali Dahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha  Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay  Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka  Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close