Wararka
Ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka oo la hakiyay.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.
War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:
“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”
Hakinta ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka ayaa timid ka dib markii ay maanta warbaahinta la hadleen Hobolada Waabari oo cabasha u gudbiyay Madaxda Qaranka.