Wararka
90 qof – oo ay ku jiraan 13 ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa ku dhintay Qaraxyo laba ah oo ka dhacay casimada Kabul
Jahawareer Ba’an ayaa yimid kadib markii laba qarax ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee Kabul khamiistii, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 90 qof – oo ay ku jiraan 13 ka tirsan milatariga Mareykanka.
Ugu yaraan 150 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, oo ay sheegatay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.
Mareykanka oo maamula garoonka diyaaradaha, wuxuu ciidamadiisa kala baxayaa 31ka Ogosto.
Boqortooyada Midowday (UK) waxay gashay marxaladihii ugu dambeeyay ee daadgureynteeda Kabul mana jirin dad intaa ka badan oo loogu yeero garoonka si ay uga baxaan.
“Waa wax aad looga xumaado in qof walba uusan awoodin in la daadgureeyo inta lagu guda jiro howshan,” ayuu yiri xoghayaha difaaca Ingiriiska Ben Wallace.
Subaxnimadii Hore ee Saka, Wasiirka Difaacay UK ayaa sheegay in 13,708 qof ay UK ka daadgureysay Kabul iyada oo la raacayo Hawlgalka loogu magac daray Pitting, oo bilaabmay 13kii Ogosto.
Wasiirka Difaacay UK ayaa sidoo kale sheegay in daad gureentaas ay ku jiraan ku dhawaad 8,000 oo reer Afgaanistaan ah oo u qalma nidaamka dib -u -dejinta UK ee kuwa u shaqeeya dowladda UK iyo shaqsiyaadka kale ee nugul, iyo sidoo kale 4,000 oo haysta baasaboorka Ingiriiska.
Dadka kale ee la daadgureeyay waxaa ka mid ah shaqaalihii safaaradda iyo muwaadiniin u dhashay waddamo ay jaal yihiin Ingiriiska.