Wararka

Laamaha Amniga Gobalka Bari oo kulan ka yeeshay xaladda amniga.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan lagu qabtay saldhiga bartamaha Bosaaso logana hadlaayay amniga la qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Bari.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga boosaso iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka.
Taliye Xuseen ayaa dhamaan baraha kantaroolada faray in ay fajiignaan amni oo buuxa ay ka galaan dadka soo xagaa noqonaaya oo imanaya magalada Bosaaso marka laga reebo dadka Qoysaska ah iyo dadka jilicsan oo uu sheegay Taliyaha in ay si wanagsan dadkaas ciidamada ay ugu fududeyaan inta ay taagan yihiin gadiidka kalle madaama wali ay kulushahay cimilada Magaalada Bosaaso.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa iska xog-wareystay howlgalada magaalada ugu dambeeyay ee laga fuliyay gudaha Magaalada waxaana Saraakiisha ay sheegeen in la iska kaashado ka hortego wx walba oo bulshada Gobalka Bari wax u dhimaaya iyadoo Taliye Xuseen ku dhiirigaliyay ciidmaada in ay howsha halkaas ka sii wadaan sidoo kalena ugu baaqay in ay wanaajiyaan habdhaqanka bulshada markii ay ku jiraan shaqadooda.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close