Wararka
Kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda maaliyadda iyo Bankiga Aduunka.
Wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Ducalle Bayle ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika Kristina Svensson.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu Soomaaliya ka wado iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee sare uqaadidda Dakhliga gudaha.
Wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Ducalle Bayle ayaa madaxda Bankiga Aduunku ugu mahadnaqay dadaalada ay la garab tagan yihiin shacabka Soomaaliya.