Wararka

Kulan looga hadlaayay Amniga oo ka dhacay Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ee casimada gobolka Hiran ayaa maalmihii danbe marti galinaysay siyaasiyiin ka soo horjeystay awood qeybsiga xukumada Cali Guudlawe.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka guud ee Amniga DG Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amaanka iyagoo Madaxweyne Kuxigeenka la wadaagay xaaladaha Amniga Magaalada Beledweyne iyo tan guud ee Deegaanada Hirshabeelle.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Ciidamada Amniga xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.
Kulankaan ayaa ku soo aadayo xili ay Cabasha muujinayaan qaar kamid ah siyaasiiyinta laga soo doorta Beledweyne kuwaas oo saluug ka muujiyay Awood qeybsiga dowlad goboleedka Hirshabelle.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close