Wararka

Wax-badan ka ogoow xaalka Afghanistaan iyo dibad-baxyo ka dhacay Kabul iyo magaalooyink kale.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga soo horjeystaan xukunka Taliban maalintii labaad, markan waxay socod ku mareen meel u dhow madaxtooyada Kabul. ilaa 200 oo qof ayaa isugu soo ururay Hal mudaaharaad oo ka dhacay magaalada  ka hor inta aysan Taalibaanku si xooggan u kala erin.

Kooxda Talibanka ayaa ku dhawaaqday bandow magaalada koonfur -bari ee Khost, maalinimadii  Khamiisti, kadib mudaaharaadyo halkaas ka dhacay.

Dhowr qof ayaa lagu dilay bariga magaalada Asadabad markii dagaalyahannada Daalibaan ay rasaas ku fureen dad lulayay calanka qaranka kuwaas oo isu soo bax xuska  Maalinta Xorriyadda sannadlaha ah ee Afghanistan, sida uu sheegay goobjooge ay soo xigatay Reuters.

“Ma cadda in khasaaruhu uu ka dhashay rasaasta iyo in ay isbuurasho sameeyeen” ayuu yiri  goobjooge Mohammed Salim, oo wakaaladda wararka ay  soo xigatay.

Shaqaale badan oo muhiim ah ayaa ku dhuumaaleysanaya guryahooda, iyagoo ka baqaya in la ciqaabo inkastoo ballanqaadyo cafis ah ay sheegeen Taalibaanku.  Adeegyada sida korontada, fayadhowrka iyo biyaha nadiifka ah ayaa dhowaan laga baqayaa in ay go’aan  sida ay qabaan  hay’adaha gargaarka.

Daalibaan ayaa sare u qaaday baadi goobka dadka u shaqeeya ciidamada Nato ama dowladdii hore ee Afgaanistaan, dukumenti loo diyaariyay QM ayaa ka digay halista ka dhalan karto aar goosi ay sameeyaan Taalibaan.

Kooxda mayalka adag ee Islaamiyiinta ayaa isku dayday inay niyadda u dejiyaan reer Afgaanistaan ​​tan iyo markii ay awoodda kula wareegeen weerar hillaac ah, iyagoo ballanqaaday inaysan jiri doonin “aargoosi”.

Laakiin waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo in farqi u dhexeeyo waxay sheegaan iyo waxay sameeyaan.

Beegsiga ay samaynayeen Taalibaanku ayaa waxaa cadeeyay dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta Falanqaynta Caalamiga ee RHIPTO ee laga leeyahay dalka  Norway taas oo xogaha siiso sirdoonka UN-ta iyo Booliska Interpool.

“Waxaa jira shaqsiyaad aad u badan oo ay hadda bartilmaameedsanayaan Taliban, hanjabaadduna waa mid cad,” ayuu Christian Nellemann, oo madax u ah kooxda ka dambeysa warbixinta, u sheegay BBC.

Soo jeedinta hoggaanka Taliban toddobaadkaan

ayaa ah in arxan -darrada qeexday xukunkooda labaatan sano ka hor ay ahayd wax la soo dhaafay oo aan had iyo jeer la jaanqaadin falalka askarta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close