Wararka

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka warbixiyay xaaladaha guud ee dalka.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyey arrimaha Soomaaliya iyadoo ay wehliyaan Madaxa Hawlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, iyo Guddoomiyaha Guddiga u-Doodista Haweenka, Marwo Batuulo Gaballe. Wakiilka waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka ka dhaxeeya QM iyo Midowga Afrika ee dhanka horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya.
 Swan ayaa xusay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ka warbixiyo horumarka laga gaaray geeddi-socodka doorashooyinka tan iyo Heshiiskii 27-kii Maajo, waxa uuna bogaadiyay hoggaaminta wanaagsan ee uu muujiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu ka warbixiyay shirarka joogtada ah iyo wada-tashiyada Golaha Wada-Tashiga Qaran ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka, dhisidda hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee doorashooyinka, iyo sidoo kale doorashooyinka Aqalka Sare ee ka billowday dowlad-goboleedyada.
Dhanka kale, Swan ayaa xusay baahida loo qabo in horumar dheeraad ah laga sameeyo meelaha qaar ee mudnaanta leh sida amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba, iyo ka qeybgalka dhallinyarada & bulshooyinka la hayb-sooco ee geeddi socodka doorashada, waxa uuna xaqiijiyay in QM ay soomaaliya ka taageereyso qabsoomidda doorashada iyo dhammaan arrimaha hortabinta u leh si loo gaaro xasillooni iyo horumar ka hanaqaada Soomaaliya.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close