Wararka
Shirka Wasiirrada Boostada Adduunka oo soo dhammaaday
Kulanka Wasiirrada ee Shirweynaha Boostada Adduunka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Abdijan ee caasimadda dalka Ivory Coast, iyadoo looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo khuseeya arrimaha boostada adduunka.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee wasiirradu isla gorfeeyeen waxaa ka mid ah sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa adeegyada boostada. Waxaa la isla qiray in boostadu u adeegto dad badan oo adduunka daafihiisa ku nool, isla markaana ay qeyb ka qaadato sidii adeegyada dowladda loogu dhoweyn lahaa muwaadiniinta. Waxaa sidoo kale laga dooday istaraatiijiyada cusub ee boostooyinku qaadan karaan xilligan oo uu dunidu aafeeyay safmareenka coronavirus.
Md. Cabdi Sheekh Axmed, Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada Soomaaliya – oo ay boostadu hoos tagto – oo shirkaas ka qeyb galay ayaa sheegay in fursadaha adeegga boostada dalkeenu ay xooggan yihiin, gaar ahaan dhinacyada dirista iyo keenista xirmooyinka (parcels), adeegyada maaliyadda iyo inay xarun u noqoto adeegyada dowladda ee lagu bixiyo teknolojiyada (egovernment).
Shirkan oo soconaya muddo 3 toddobaad ah waxaa ka sii qeybgali doona mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda oo halkaas joogi doona illaa ay dhacdo doorashada hoggaanka sare ee UPU, taas oo la go’aamiyay in dalalku goobjoog ka ahaadaan, halkii markii hore la qorsheeyay in dalkii aan goobjoog ahayni uu ku codeyn karo qaab online ah.