Wararka
Maxay kala yihiin xubnaha loo doortay Guddoonka Doorashada Gobolada Waqooyi?
Xubno kamida guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Somaliland ayaa maanta xerada Afisiyoone ku doortay gudoomiye iyo ku xigeen.
Jagada gudoomiyaha Waxa isku Soo sharaxay Khadar Xariir Xuseen iyo Maxamed cabdilaahi. Musharax Maxamed Cabdilaahi ayaa tanaasulay, Waxa uuna helay khadar Xariir Xuseen 7 cod.
Natiijada Doorashada Waxa ku dhawaaqay gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Maxamed Xasan Ciro.
Intaas ka dib Waxa la guda galay Doorashada gudoomiye ku xigeenka guddiga, Waxana jagadaas isku soo taagay Amal Mustafe Muuse iyo Nagiib Xuseen Samaale. Nagiib Xuseen Samaale Waxa uu helay 6 cod, halka Amal mustafe muuse ay heshay 1 cod.