Wararka
Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee 2020-2021 oo sheegay in Maalinta bari ay dhici doonta Doorashada Gudoonka Guddiga Maamulka dooorasha kuraaska labada aqal ee Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee 2020-2021 ayaa lagu sheegay in maalinta bari oo ah sabti kuna beegan 7-da bisha 8-aad 2021-ka la qaban doona Doorashada Gudoonka Guddiga Maamulka dooorasha kuraaska labada aqal ee Somaliland.
Doorashada Guddoonka oo ka dhici doonta Teendhada Xerada Ciidanka Ciraka, Sabti 10:00am ayaa waxa lagu casuumaynaa Saxaafada, Hayadaha Dawlada, Ururada Bulshada, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka.
Qoraalkaan ayaa ka danbeeyo ka dib markii Ra’isal wasaaraha uu ku wargaliyay xubnaha guddiga in maalinta sabtida isku diyaariyaan doorashada Guddoonka isaga oo laalay Guddoon ay labada dhinac horay isaga doorteen.
Balse Dadaalkaan ayaa waxaa ka hor yimid Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo sheegay in aysan ka qayb gali doonin kulanka uu ku baaqay Ra’isal wasaaraha.