Wararka
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa lagu dilay magaalada caasimadda ah ee Kabul.
Dawa Khan Menapal, oo ahaa agaasimaha Xarunta Warbaahinta iyo Macluumaadka Dowladda (GMIC), ayaa lagu toogtay masjid ku yaalla caasimadda, sida ay sheegtay dowladda Afghanistan.
Kooxda Taliban ayaa sheegatay weerarka, maalmo kadib markii kooxda ay ka digtay inay bartilmaameedsan doonto saraakiisha sare ee maamulka si ay uga aargudato duqeymaha cirka ee kordhay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Mirwais Stanikzai ayaa ka sheegay geerida Menapal waxaa uuna yiri “Nasiib darro, argagixisada waxashnimada ah ayaa mar kale ku kacay fal fulaynimo ah waxaana shahiiday Afgaanistaan wadani ah,”
Menapal ayaa sidoo kale soo noqday afhayeenka madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani.