Wararka

Musharax Aqalka Sare Jaahweyn oo garay Dhuusamareeb.

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug gaarey Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Abdulkadir Hussein Mohamed Jaahweyn oo ah Musharax Aqalka Sare.

Musharaxa iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa  Waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb isaga oo madaxdii soo dhaweysay ugu mahadnaqay.

“Waxaan soo gaarnay magaalada Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, Waan u mahad celinayaa dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka kala duwan ee na soo dhaweeyay.” Ayuu yiri Musharax Aqalka Sare Abdulkadir Hussein Mohamed Jaahweyn.

Musharax Aqalka Sare Abdulkadir Hussein Mohamed Jaahweyn ayaa inta uu ku suganyahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa uu kulamo kale duwan layeelan doonaa shacabka Galmudug si uu u dhagaysto talooyinkooda iyo baahiyaha ay qabaan ee ay doonayaan in wax looga qabto waxaa uuna musharaxa kamid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad hanashada kursiga aqalka sare  ee uu tartamaayo.May be an image of 4 people, people standing and outdoorsMay be an image of 4 people and people standingMay be an image of 4 people, people standing and outdoorsMay be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of road

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close