Wararka
Doorashada Gudoonka Guddiga Maamulka dooorasha kuraaska gobolada waqooyi ee Somaliland oo la shaaciyay.
Doorashada Gudoonka Guddiga Maamulka dooorasha kuraaska gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa la shaaciyay in ay qabsoomid doonta maalinta sabtida ee ay taarikhda ku beegantahay 7-da bisha 8-aad 2021.
Doorashada ayaa ka dhici doonta xarunta Afsiyooni. Dadaalka loogu jira in ay maalinta sabtida qabsoonta doorashada Doorashada Gudoonka Guddiga Maamulka dooorasha kuraaska gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ka danbeeyay ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya oo shalay shaaciyay in la laalay guddoonkii ay horey isaga doorteen xubnahaan.
Ra’isal wasaare Maxamed Xussen Roble oo dhanka kale xalay kulan foggaan aragga ku qabsoomay la yeeshay golaha wadatashiga qaran ayaa madaxda maamul goboleedyada ka codsaday in ay dar dar galiyaan arrimaha doorashada.