Wararka
Hussein Sheikh Mohamud “Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan”.
Hussein Sheikh Mohamud oo kamid ah Labada Sanator ee aan ka soo muuqan liiskii uu soo saaray Madaxweynaha KGS CabdiAsisi Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida uu u arko in uusan ka soo muuqan liiska Tartamayaasha Kuraasta Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed.
“Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan”. ayuu yiri Sanator Hussein Sheikh Mohamud.
Sanataor-ka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka shaqeynta arrimaha danta guud iyo sidii ay xaqooda u heli lahaayeen shacabka Koonfur Galbeed.
“nsha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba”. ayuu raaciyay Sanator Hussein Sheikh Mohamud.