Wararka
Kismayo oo ay ka bilaabatay Diwaan galinta xubnaha u sharaxan kuraasta aqalka sare.
Magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta ka bilawday isdiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaayo kuraasta aqalka saree dowlad goboleedka Jubbaland iyagoo xubnihii is diwaan galiyayna la siiyay shahaadada aqoosiga musharaxnimo.
Musharaxiinta ilaa iyo hadda is diwaan galiyay ayaa kala ah Musharax Ilyaas Badal Gaboose, Musharax Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Musharax Iftiin Xasan Baasto, Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Abdirisaaq Maxamed Cismaan.
Isdiwaan galinta musharaxiintaan waxaana goob joog ahaa Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Maxamed Xasan Cirro.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee shaaciyay Muddada ay qabsoomayso doorashada aqalka sare iyadoo liiska xubnaha maanta qaatay shahaadada uu shalay shaaciyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Islam.