Wararka
MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHIRWEYNAHA HORUMARINTA WAXBARASHADA PUNTLAND.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Daah-furay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah.
Madaxweynaha ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland.
Madaxweyne Deni wuxuu bogaadiyay shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan, wuxuuna muujiyay sida ay Puntland uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada.