Wararka
Wasiirka cadaaladda XFS oo isbitaalka ku booqday dhibane loo geystay tacadi isugu jira gubis iyo garaacisi.
Wasiirka cadaaladda XFS ayaa isbitaalka ku booqday dhibane Ubax Ibraahim Cabdulaahi oo loo geystay tacadi isugu jira gubis iyo garaacisi.
Raxmo Maxamed Muxumud oo ah hooyadii dhashay dhibane Ubax Ibraahim Cabdulaahi oo warbaahinta la hadashay ayaa ka warbixisay dhibta loo gaystay gabadha aadka u da’da yar.
Dhanka kale wasiirka cadaaladda XFS Cabdiqadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan dadkii ka danbeeyay jir dilka loo gaystay dhibane Ubax Ibraahim Cabdulaahi.