Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CIIDANKA XOOGGA DALKA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka ayna taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo.

“Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.May be an image of 6 people, outdoors and treeMay be an image of 4 people, people standing and outdoorsMay be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 2 people, people sitting, tree and outdoorsMay be an image of 1 person, military uniform and outdoorsMay be an image of 5 people, outdoors and treeMay be an image of 6 people, people standing, military uniform and outdoors

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close