Wararka
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland oo looga hadlay wadashaqeynta hay’adaha DFS iyo Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland.
Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Jubaland iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa Jubaland, ayaa looga hadlay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Wadashaqeynta Wasaaradaha XFS iyo kuwa Dowlad-goboleedyada, Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladd ka hirgelineyso Jubaland, doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta, Arrimaha bani’aadminimada Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddu ay xoojin doonto mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo Dowlad-goboleedka Jubaland, isagoo faray wasaaradaha heer federaal in ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradaha Jubaland.