Wararka
Madaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.
Madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ayaa iyana lagu wadaa in ay soo gaaraan caasimada dalka ee Muqdisho si la’isa xog waraysto wixii ka dhaqan galay heshiiskii 27-kii May .




