Wararka
Is-afgarad laga gaaray arrimaha kuraasta gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Afhayeenka Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macalimo ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in Wadahadalkaas uu ahaa mid mira dhala isaga oo dadaalada Ra’isal wasaaraha uu wado ku tilmaamay “mid uu ku doonaayo in u uku qanciyo saamileyda Siyaasadda Soomaaliya heshiiskii 17-kii September.
“Tani waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu ku doonayo in dhamaan saamileyda siyaasadda in taladooda ay ku biiriyaan geedi socodka dhameystirka Hishiiskii 17ka Septeembar oo aasaas u ah Shirka Qaran ee soconaya lana filayo in lagu heshiiyo” ayuu yiri Maxamed Mocalimo.