Wararka

Puntland oo guddi u magacawday aaska AUN madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.

Allah u naxariistee waxaa geeriyooday Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Dowlad goboleedka Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire ayaa Allah u weydiiyay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.
Dhanka kale Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland.

Magacyada Xubnaha guddiga ayaa kala ah;

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye )
2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )
3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)
4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)
5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )
6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)
7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin)
9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin)

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close