Wararka

Maxkamadda ciidamada qalabka oo xukun ku riday edeysanayaashii Kiski dilka AUN Cabdixakiin Dhaga-juun.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka  kiiskii dilka guddoomiyihii degmada Hodan AUN Cabdixakiin Dhaga-juun.

Maxkamada ayaa 5 sano oo xabsi ciidan ku xukuntay Gaashanle Shuceyb Cabdi Maxamed oo ahaa taliyihii degmada howl-wadaag iyo Dable Boolis Bishaar Axmed cabdi oo baxsad ku maqan.

Jamaal Isxaaq Cali, Dhiblaawe Ibrahim yusuf, farax Sabriye Afrax iyo  Kulmiye Kaariye Cali ayay sidoo kale maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay Min Laba sano oo xabsi ah.

Dhamaan eedeysanayaasha ayay Maxkamada ku xukuntay bixinta Diyada  Marxuumka Iyo mag-dhaw siinta Ibrahim Abukar Cisman iyo Liban Xassan Liban oo dhacdadaasi uu dhawac ka soo garay.

1-dii Bishii Janaayo ee sanadkaan ayay aheed markii uu guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun uu u geeriyooday xabad ay ku fureen askar Boolis ah oo sida ay sheegeen heegan ugu jiray gaari siday Qaad oo la doonaayay in la qabto.

7-dii bishaan aan ku jirna ee May, 2021 ayay aheed markii ay maxkamada Ciidamada qalabka sida ay si toos ah u baahisay Dhageysiga Guddigii Baaray Kiiska Dilka AUN Guddoomiyihii Degmada Hodan Dhega-Juun.

Balse maanta ayay soo gaba-gabaysay Kiiska Dilka AUN Guddoomiyihii Degmada Hodan iyada oo laashay in dilka Guddoomiyaha uu ahaa mid ku tala ga ah waxaa ayna sidaas ku baabi’isay qodobka 434 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close