Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Saraakiisha Laamaha Amaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo goob-joog ka ahaayeen Kuxigeenada Maamulka Gobolka Xog hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dhamaan Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan.
Shirkaan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaasi loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida. Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho.