Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Iyadoo ay ciid tahay ayuu Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud isaga oo ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.
Kulankaan waa kii ugu horeeyay ee uu ra’isal wasaaraha la qaato madaxdii hore ee dalka ahna xubin ka tirsan midowga musharaxiinta tan iyo markii uu safar cibaado ugu baxay dalka Sacuudiga.