Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo kulan doceed la qaatay dhigiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.