Wararka
(AKHRISO): Khatarta Covid-19 oo wali ka jirto gudaha Soomaaliya balse aan lagu baraarugsaneen.

Waxaa wali khatartiisa ay jirtaa xanuunka Coronavirus kaas oo saamayn dhaqaale iyo mid amni ku yeeshay Soomaaliya.
Tirada Guud ee dadka laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 48 saac ee ugu dambaysay ayaa waxaa waxaa ay gaaraysaa 3,529 oo ruux.
206 ruux ayaa laga helay waxaa ayna ku kala noolyihiin dadkaasi laga helay Coronaviruska maamulka Somaliland oo diwaan galiyay 129 ruux, maamulka Jubbaland oo diwaan galiyay 20 ruux, Hirshabelle 19 ruux, Puntland 17 ruux, Koonfur Galbeed 11 ruux, iyo waliba gobolka Banadir oo isna diwaan galiyay 10 ruux oo laga helay Covid-19.
130 ruux ayaa lab ka ah 206-da ruux ee laga helay fayraska corona halka 76 kale ay Dhedig yihiin.
Tirada guud ee dadka u dhintay fayraskaan 48 saacadood ee u danbeysay ayaa garayo 8 ruux kuwaas oo 7 kamid ah laga diwan galiyay maamulka Somaliland halka Midka kale ay diwaan galisay wasaaradda caafimadka ee Jubbaland.
Sidoo kale tirada dadka ka bogsaday Covid-19 saacadihii la soo dhafay ayaa gaarayo 162 ruux.
Tan iyo markii uu fayraskaan dalka soo gaaray waxaa uu haleelay tiro dad ah oo garayo 14,121 waxaa ka bogsaday 6,009 ruux halka 721 ruuxna ay u dhinteen sida ay diwaan galisay wasaaradda caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya.