Wararka
Qaar kamid ah madaxda maamul goboledyada oo kulan la qatay Ergayga gaarka ah ee Qatar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee dowlada Qatar Multaq Alqahtani.
Waxa ay ka wada hadleen xoojinta la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Dhanka kale ergayga gaarka ah ee dowlada Qatar Multaq Alqahtani ayaa kulan la qaatay Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug iyo waliba maamulka Gobolka Banadir.
Masuuliyiinta iyo wafdigaan heerka caalami ee ka socda dowlada Qatar ayaa kawada hadlay sidii xal loogu heli lahaa doorashada la’isku mari la’sanyahay.