Wararka

Maraykanka oo si deg deg ah ugu baaqay in miiska wadahadalka ay isugu yimadan madaxda Qaranka iyo maamul goboledyada Bilaa sharuud.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo dhaweysay go’ankii Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku aqbalay soo jeedintii dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee ahaa in dib loogu noqda heshiiskii 17-kii September.

Maraykanka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in uu si dhakhso leh dib u bilaabo wadahadalkii kala dhaxeeyay hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka. Sidoo kale Maraykanka ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo baarlamaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi’inta hindise sharciyeedka Jiheynta doorashooyinka ee 12 Abriil.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu bogaadiyay Raiisel wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta.

Ugu Danbeyn dowlada Maraykanka ayaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay iyo in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay iyo in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 kii Sebtember. Dhammaan hoggaamiyeyaashu waa inay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala duwanaanshahooda ayna si daacad ah ugu gorgortamaan shuruud la’aan iyo iyagoo diyaar u ah tanaasulka danta ummadda Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close