Wararka
Dowlada oo sheegtay in aysan u dulqaadan doonin qalalaasaha ka socda casimada dalka.

Wasiirka Amniga xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhaw qabtay Shir jaraa’id oo uu kaga hadlay xaalada amniga caasimada dalka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shacabka la barakiciyo.
Wasirka ayaa sheegay in ay jiraan dad sida uu sheegay wado qal qal galin amni kuwaas oo barakac ku haayo shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka casimada dalka.
“Marna ma aqbaleeyno in Shacabka guryahooda loogu galo oo la barakaciyo. Anaga waxan u tureeynay waa shacabka oo aan diidaneen in dhexdooda lagu dagaalamo iyadoo Ramadaan lagu jiro. lakin waxan arkeeynaa falal sharciga ka baxsan oo ay ku dhaqmayaan dad aan nidaam iyo sharci aqoon.” ayuu yiri Wasiir Xundubey.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowlada ay awood buuxda u leedahay in ay gacanta ku dhigta dhamaan deeganada ku heereersan casimada balse aysan dooneyn in shacabka lagu dul dagaalamo.
Balse wasiir Xundubey waxaa uu xusay in haatan ay ka dhamaatay dulqaadka oo ay arkaan xas ay wadaan wax uu ku tilmaamay kuwa sharciga ka soo horjeeda.