Wararka

Duqa Muqdisho oo Saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Eng. Yarisow ayaa xusay in habraacani uu waafaqsan yahay Iibka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay habraac tilmaam u ah sida ay Maamulka Gobolka Banaadir uga go’an tahay in caddaalad lagu maamullo wax walba oo ka baxaya Dawladda Hoose.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag, isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, madamaa ay xoojinayso caddaaladda, sinnaanta iyo horumarka Caasimadda”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sida ku qoran habraacan waxaa la dhisi doonaa Guddiga Iibka ee Dawladda Hoose oo masuul ka ah howlaha ku xusan habraacan, si ay u hubiyaan in qandaraasyada ka baxa Gobolka Banaadir ay shirkadaha soo codsaday ugu tartamaan si caddaalad ah oo leh habraac ay ku kalsoon yihiin, taasoo fursad u ah ganacsatada.

  

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close