Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan laqaatay dhiggiisa Dalkaas  Felix Tshisekedi.

Madaxweynaha dowlada  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Koongo Felix Tshisekedi.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
“Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close