Wararka

Wasirka Qorsheynta KGS oo kulan la qaatay ku dhawaad 40 hay’adood oo ka howl-galo KGS.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Horumarinta dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Axmed Madoowe Nuunow Maxamed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Cabdulaahi Cali Watiin ayaa ilaa 40 hay’adood oo ka howl-galo KGS kulan kula yeeshay Aaladda fogaan arraga.
Kulankan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay  arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Barakacayaasha iyo howlaha loogu raadinaayo xal-waaro; saameynta Bulsho iyo Dhaqaale ee Cudurka Covid-19 iyo sidii loo yareyn lahaa saameyntaas iyo arimo kaloo ku saabsan howlaha horumarineed ee ka socda KGS.
Wasiir Axmed Madoobe Nuunow Wasiirka Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha ayaa umahadceliyey Hay,addaha iyo Agaasime Watiin Dadaalada ay ku bixinayaan sidii Dadka barakacayaasha ah wax loogu qabanlahaa islamarkaan xal-waara loogu raadin lahaa.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close