Wararka
Madaxda dalka oo ka tacsiyeysay geerida ku timid AUN Prof. Gandi.

Allah u naxariistee waxaa dalka faransiiska maanta ku geeriyooday wasiirkii hore ee Gashandiga ahaana xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Cabdi Gaandi.
Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Prof.Maxamed Cabdi Gaandi.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji , Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xil.Maxamed Cali Xagaa , Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xil.Cabdifataax Qaasim , Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Axmed Cabdi Kooshin , Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Gashandiga ayaa dhambaal tacsi u diray ehelada, Qarabada, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyed ee uu profi-ka ka baxay.
Prof Gaandhi ayaa kaalin weyn ka soo qaatay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN iyo Midowga Maxaakiimta sanadkii 2006-dii.
wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed oo dalka usoo shaqeeyey, wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena qayb ka ahaa dhismihii dowlad goboleedka Jubaland.
Hadda waxaa uu kamid ahaa Madasha Xisbiyada Qaran oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa, iyo Midowga Musharaxiinta.