Wararka
Golaha Deeganka Degmada Ballanbale oo maanta dhismahooda la daahfuray.

Maanta oo taariikhdu tahay 17 ka Abriil 2021 ayaa Xildhibaano katirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug waxa ay Xalfadda Daahfurka Dhismaha Golaha Deeganka Degmada Ballanbale oo ay hirgalineyso Wasaaraada Arrimaha Gudaha, Dib-uheshisiinta iyo Federaalka ee Galmudug uga qayb-galeen Degmada Ballanbale ee waqooyiga Galgaduud.
Munaasabada ayaa waxaa Daahfurey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayeel) Guddiga dhismaha Goleyaasha Deeganka Galmudug, Maamulka Degmada iyo Masuuliyiin kale iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Dhismaha Goleyaasha Deeganka ayaa door muhiim ah ka qaadan doono dib u kabashada iyo horumarka adeega bulshada Galmudug.