Wararka

Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo deyniile gaarsiyay gargaar Dhar ah.

Qoysaskan oo isugu jira danyer iyo barakacyaal oo kunool degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa fa faaidaytay mucaawino dhar ah oo dowladda  Turkiga ugu talagashay dadkaasi iyadoo kaashanaysa wasaaradda Gargaraka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyiinteedu goob joog ka ahaayeen.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Maxamed Yilmas ayaa sheegay in ay ugu talagaleen, in ay ku caawiyaan dadka danyerta ah,waxaana ay sheegeen in ay sii wadidoonaan caawinaada dadka Soomaaliyeed.

Maxamed C/qaadir Cali Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada Degmada Deyniile ayaa ka mahadceliyay deeqdaasi,wuxuuna sheegay in ay waxbadan ka kaabi doonto dadkaasi danyerta ah,maadaama ay cawinaad u baahanyihiin markasta.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya  C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay dowrka dowlada Turkiga ee u gargaarista shacabka,wasiirka waxaa uu sheegay in Turkigu uu dowr muuqda ku leeyahay garab istaaga shacabka Soomaaliyeed,isagoo ku dhiirogeliyay in ay sii wadaan.

  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close