Wararka
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku laabtay Caasimadaha Garoowe iyo kismayo.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islam axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa dib ugu laabtay Magaayooyinka Kismayo iyo Garowe.
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaa muddo ku dhaw laba bil waloow shirkii ay halkaan u yimaadeen uu fashil ku soo dhamaaday sida ay dowlada sheegtay.
Wasiirka warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka Iyo Dalkiiska Puntland. Ahna afhayeenka xukuumadda Puntland Abdullahi Ali Hersi Timacadde oo kamid ah wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhawaan ay ka hadli doonaan Go’aanka Puntland ee xaaladda siyaaseed ee Soomaaliya.