Wararka
Madaxweynaha Soomaaliland oo cafis u fidiyay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus.

Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada maamulkaas.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maxaabiista uu cafiska u fidiyay waxaa ay gaarayaan 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus. “Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Soomaaliland.
Sidoo kale qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Soomaaliland ayaa lagu sheegay in cafiskaan ay fulin doonta fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Soomaaliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.