Wararka
Taliska Booliska Banadir oo ka hadlay kulanka Barlamanka.

Taliyaha Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir Saadaq Joon ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay kulankii Baarlamaanka Golaha Shacabka ee maanta.
Taliyaha ayaa sheegay inaan loo baahneyn in dalka qalqal la geliyo iyo in ciidanka siyaasad loo adeegsado,wuuna ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble inuu la wareego hogaanka dalka iyo mas’uuliyadda doorashada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale Ra’isal wasaaraha XFS Maxamed Xussen Roble ugu baaqay in dowla da ay dib ugu labata Shirkii Afsiiyooni ee fashilka kusoo dhamaaday.
Taliyaha Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir Saadaq Joon oo dhamaal warbaahinta u mariyay wasirka warfaafinta Cisman Abukar Dubbe ayaa ugu baaqay in uusan akhrin wax uu ku tilmaaamay “Meeris”.